In ka badan 5 Caruur ah oo degmada Jalalaqsi ee Goballka Hiiraan ugu geeriyootay cudurka Shubanka

Cabirka Farta
Arbaco, January 28, 2009(HOL): Sida ay HOL u sheegeen qaar ka mid ah hay'addaha Caafimaadka ka howlgala qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan waxaa Saddaxdii cisho ee la soo dhaafay Degmada Jalalaqsi ee Goballka Hiiraan ugu geeriyooday cudurka shubanka ilaa 5 Caruur ah.
 
Hay'addaha Caafimaadku waxay intaas ku darayaan in sidoo kale ay jiraan Caruur la il-daran Cudurka kuwaas oo ay adag tahay in ay helaan daawooyinkii ay u baahnaayeen maadaama xiligan uusan shaqeyn Isbitaalka Degmada, islamarkaana aysan jirin goobo Caafimaad oo si rasmi ah hadda u shaqeynaya.
 
Lama oga ilaa hadda nooca cudurka laakiin waxaa jira baaritaanno ay wadaan dhaqaatiirta Caafimaadka si markaas loo ogaado in Shubanku yahay mid caadi ah ama uu yahay kan daacuunka.
 
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ay dareemayaan Qoysaska aan waxba heysan kuwaas oo xitaa aan awood u laheyn in ay iibsadaan haddiiba la helo daawooyinka lagula tacaalo Cudurka.
 
Marka la eego tirada la sheegay in ay u geeriyoodeen Cudurka waxaa ay wal wal iyo dhibaato ku abuuri kartaa dadka iyagu ku dhaqan deegaanada dariska la ah degmada Jalalaqsi sida Degmada Buula-burte oo ka mid ah goobaha aan laheyn adeeg caafimaad oo si rasmi ah u howlgala.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia