Khamiis, 22, Janaayo, 2009 (HOL) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kala tegay magaalooyinka Nairobi, Muqdisho, Baydhabo iyo Gaalkacyo ayaa waxay gaareen Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti.
Xildhibaannadan ayaa waxaa meelaha ay ku sugnaayeen ka qaaday diyaarado loo soo diray, waxayna daad-gureyntooda ka dambeysay kadib markii la soo af-jaray kala fikir duwanaasho ku saabsaned halka ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo isagu qabay in doorashada madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qabto Baydhabo ayaa haatan la soo sheegayaa in uu go’aankaas ka tanaasulay, isla markaana uu aqbalay in Dowlad-Midnimo-Qaran lagu dhiso Dalka Jibouti.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in Xildhibaanno kale oo ku haray magaalada Baydhabo ay iyana gaaraan Magaalada Djibouti, halkaasi oo la filayo in lagu ballaariyo Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna lagu doorto madaxda Dowlad-Midnimo-Qaran oo ay Soomaaliya yeelato.
Dhanka kalena, saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay Magaalada Jibouti gaaraan Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe iyo Sii hayaha Xilka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay horay u sii joogeen Dalka Jibouti madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo weliba wakiillo ka socda Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Jibouti ku sii qul-qulaya
More News
- HAY’ADDA WFP WAXAY U DALBAYSAA BALANQAAD AMNI SHAQALEHEEDA KA HOWLGALA KONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMAALIYA
- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo Xabsi laga sii daayay
- Digniin loo jeediyay hay'addaha Samafalka ka howlgala Goballka Hiiraan
- Maamulka Puntland oo ku taliyay in doorashada Madaxwaynaha Somalia lagu qabto dalka gudihiisa
- Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo aqbalay in Dowlad-Midnimo-Qaran lagu dhiso Jibouti
- Odayaal iyo Waxgarad waan-waan ka dhex wada dhinacyadii ku dagaallamay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee Gobolka Banaadir
- Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dibad-joogga ah oo magaalada Nayroobi ku xusay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed