Khamiis, 22, Janaayo, 2009 (HOL) Waabarigii hore ee saakay ayaa lagu arkayay mid ka mid ah labada Buundo ee Magaalada Warqad digniin ah oo ku wajahan hay'addaha Samafalka ka howlgala Goballka Hiiraan.
Kooxda Warqadda qortay oo isku magacaawaday Al-Ansaar ayaa sheegtay in dhamaan hay'addaha Samafalka ku sugan Goballka Hiiraan lagu wargalinayo in ay isaga baxaan kadib markii sida ay hadalka u dhigeen hay'addahu bilaabeen fulinta howlo ka dhan ah wax yaabihiin loo soo xilsaaray.
Ma aysan faah faahin wax yaabaha ay ku eedeynayaan hay'addaha Samafalka, waxaana xusid mudan in durbaba qaar ka mid ah Shaqaalaha hay'adduhu galisay warqadda digniinta ah shaki iyo tuhun la xiriira howlahooda shaqo.
Ma'aha markii ugu horeysay oo Digniin loo jeediyo hay'addaha Samafalka ka howl-gala qeybo ka mid ah Goballada Dalka, inkastoo haddana marka dhinaca kale la eego wali ay socdaan howlihii shaqo ee hay'addaha.
Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan oo ka hadlay Warqadahan ka dhanka ah Hay’adaha Samafalka ee lagu daadiyay Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in uu arrintaas baaritaan ku sameynayo.
Taliyaha Nabadgelyada Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Qoorey ayaa sheegay in aysan garaneyn cidda sheegatay magaca Al-Ansaar, hayeeshee ay baarayaan marka ay soo helaanna ay tallaabo ka qaadi doonaan, wuxuuna hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay howlahooda sii wataan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia