|
|
| Madaxweynaha Dowladda Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed |
Madaxweynaha iyo wafdi la socda oo ka soo degay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu socdaalkiisan noqonayaan midkii ugu horeeyay ee uu Muqdisho ku yimaado isagoo ah madaxweyne ah.
Ciidamo ka amar qaata Dowladda cusub ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayuu salaan sharaf ka qaatay madaxweynaha markii uu ka soo degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kadibna waxaa loo galbiyay dhinaca Xarunta Villa Somalia, halkaasi oo la sheegayo in uu wada hadallo kula leeyahay mas'uuliyiinta Xoogagga muqaawamada ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Ciidamo mideysan oo ka kala socda Dowladdii TFG-da iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxay sugayaan ammaanka waddooyin muhiim ah oo Muqdisho ku yaala, gaar ahaan waddooyinka gala Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Socdaalka madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo laga sugayo in uu soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddiisa, kaasi oo isna soo dhisi doona gole wasiirro oo awood u leh in ay wax ka qabtaan dhibaatada uu dalka Soomaaliya ku jiro.
Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo si weyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay dhowrayaan waxyaabaha ay la imaan doonto dowladda cusub ee Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay jiraan kooxo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia