Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanka Kala-beyr oo bilaabay in ay qafaashaan gaadiidka isaga kala goosha Goballada Dhexe

Cabirka Farta
Sabti, February 07, 2009(HOL): Inkastoo marar badan Maamulka Islaamiga ah ee ka arimiya Goballka Hiiraan iyo Odayaasha Dhaqanka ku cel celiyeen in ay isaga baxaan Goballka Hiiraan Ciidamada Dowladda Itoobiya, ayaa hadana dhinaca kale waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay soo baxayay cabashada gaadiidleyda isaga kala gooshta Goballada dhexe kuwaa oo sheegay in Ciidamada Itoobiyaanku qafaalanayaa gaadiidka noocii ay doonaan.
 
Xalay ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan qafaasheen gaadiid Xamuul ahaa oo ka yimid dhinaca Goballka Gal-gaduud kuwaas oo sida wararku sheegayaan Ciidamadu ka dajiyeen dhamaan Xamuulkii saarnaa iyagoo u kaxeystay Degmada Feer -feer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
 
Sidoo kale wararku waxaa ay intaas raacinayaan in Ciidamada Itoobiyaanku sidoo kale bilaabeen in ay isku ballaariyaan deegaannada ku dhaw dhaw fariisinkooda Kala-beyr taasoo dadku siweyn uga cabanayaan, maadaama goobaha qaar ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan.
 
Lama oga in Ciidamadu dib u laaban doonaan maalmaha ama saacadaha ina soo aadan toona, waxaana xusid mudan in Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Gobollka Hiiraan Saraakiil sare oo ka tirsan sheegeen in ay  weerari doonaan Ciidamada Itoobiya haddii aysan isaga bixin Gobollka, waxaana soo baxaya shaki laga qabo tallaabo Maamulka Islaamiga ee Gobollka Hiiraan ka qaado cabashada ka soo baxeysa gaadiidleyda taas oo noqon karta mid Militari.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia