Jimco, February 06, 2009(HOL): Labo ruux oo midkood uu ahaa Wadaad ka tirsan Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay labadaas ruux toogteen, lama oga ilaa iyo haatan sababtii labadaas ruux loo dilay, marka laga reebo in la arkayay in la toogtay iyagoo guryahooda u sii hoyanayay.
Mid ka mid ah labada ruux ee la dilay ayaa wuxuu ka tirsanaa mashaa’ikhda Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, waxaana lagu magacaabi jiray Shiikh Xuseen Khaliif. Shiikha ayaa markii la dilayay waxaa uu ka soo baxay masjid uu Kutubta cilmiga ku aqrin jiray.
Afhayeenka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca Shiikh C/llaahi C/raxmaan ayaa cambeereeyay dilka loo geystay Shiikh Xuseen Khaliif, wuxuuna dilkaas ku tilmaamay mid lagu aamusinayay codka Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
Shiikh C/llaahi C/raxmaan waxaa uu sheegay in uusan codkooda ku aamusi doonin in la dilo culumaa’udiinkooda, wuxuuna caddeeyay in ay ku dheganaan doonaan dariiqadooda Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo uu sheegay in ay tahay midda kaliya ee fidinta diinta Islaamka soo gaarsiisay dadka Soomaaliyeed.
Ma ahan dadkii ugu horeeyay oo lagu dilo inta u dhaxeysa Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Degmada Afgooye, waxaana jiray dad dhowr ah oo halkaas lagu dilay, kuwaasi oo isugu jiray saraakiil u shaqeynayay hay’ado samafal iyo dad kale oo qaarkood ay hor-joogayaal ka ahaa xerooyinka dadka soo barakacay ee ku yaala halkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia