Magan Dahir iyo Gari Lineker oo Ambasador ahaan u hogaamin doona cayaaraha Olympic-kada UK

Cabirka Farta


Jimco, February 06, 2009(HOL): Akhristoow waxaa sanadkan taariikhdu marka ay tahay 25-07-09 lagu qaban doonaa magaalada Lester ee dalka Uk cayaarihii Olympicada ee Uk , taasoo sanadkan ay magaalada Leiceter nasiib u yeelatay in lagu qabto cayaarahaas. www.sol2009.com

Cayaarahan oo ay ka soo qayb gali doonaan  ilaa 1200 oo cayaartoy  iyo waliba ay u soo daawasho tagi doonaan  Tobanaan kun oo xiiseeya cayaaraha fudud. Cayaarahan oo muhiim u ah dalka Uk maadaamaa sanadka 2012 lagu qaban doono magaalada London Ciyaaradaha Olympic-kada Adduunka.

Cayaarahan ayaa waxaa  ka soo wada qayb gali doonaan dhamaan cayaartoyda lugahooda isticmaala iyo kuwa kuraasta ku ciyaara. nasiib wanaag waxaa sanadkan af hayeenka ( spokesperson) cayaarahaas loo magacaabay Mucjisadii kubada miiska Mr Magan Dahir Yusuf oo hogaamin doona ama Ambasador ahaan u masalaya dhamaan cayaartooyda ugu caansan dunida iyo Mr Gari Lineker oo ahaan jiray laacibiinta kubada cagta ugu waaweeyn ee soo maray dalka UK.

Mar aan hadaba khadka telefoonka kula xiriiray Mr Magan , waxaa uu ii sheegay in uu runtii si aad ah ugu faraxsan yahay in uu masalo dhiiri-galiyana dhamaan inta kuraasta ku fadhida , gaar ahaan  walaalahayga Somaliyeed ee dhaawacyadu ka soo gaareen dagaallada sokeeye ee weli Soomaaliya ka socda.

Mr Magan waxaa uu ii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay  in Mayorka Leiceter uu udoortay jagadan qaaliga ah (Spokesperson) iyo waliba dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nooshahay ay u tahay sharaf.

Waxaan haddaba ka codsanayaa ayuu Mr Magan dhamaan waalidiinta iyo cayaartoyda ku nool UK iyo agagaaraheedaba in ay ka soo qayb galaan cayaarahaas , si ay caruurtooda ugu dhiiri galiyaan cayaaraha.

Waxa kaluu Mr Magan codsanayaa in waalidiinta Soomaaliyeed ee haysta caruur kuraas ku fadhida ay keenaan garoonka Leiceter.Cayaarahaas waxay bilaabmi doonaan 25-07-09 ilaa 31-07-09.

Akhristoow haddii aad xiiseeynayso in aad ka soo qayb gasho , waxaad kala xiriiri kartaa Telefonkan  Lord Mayor LEICETER - Town Hall 0044116223200 , ama www.sol2009.com



By Mahad Turbashaash
Email: [email protected]
 [email protected]