Agaasimihii Idaacadda Horn Afrik oo la dilay

Cabirka Farta

Arbaco, February 04, 2009(HOL): Waxaa goor dhaweyd lagu dilay wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha Agaasimihii Idaacadda Horn Afrika Saciid Tahliil Axmed.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in ay marxuumka toogteen, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay u dileen. Saciid Tahliil ayaa marka laga soo tago in uu ahaa Agaasimaha Idaacadda waxaa uu ka mid ahaa Wariyayaasha Idaacadda, waxaana si weyn loogu xusuustaa Barnaamijyada DOOD WADAAG iyo HADAL-HEYNTA TODOBAADKA, kuwaasi oo Idaacadda iyo TV-ga Horn Afrik ka baxa.

Idaacadda Horn Afrik oo hawada ku jirtay, isla markaana baahisay cinwaannada warka duhurnimo ayaa waxay sheegtay in la dilay Agaasimihii Idaacadda, kadibna waxaa la joojiyay barnaamijyadii kala duwanaa ee Idaacadda, iyadoo haatanna uu Idaacadda ka socdo Qur’aan.

Waa Wariyihii labaad oo sanadkan bilowga ah ee 2009 lagu dilo Koofurta Soomaaliya, waxaana bishii hore bilowgeedii lagu dilay Degmada Afgooye Wariye Xasan Mayow Xasan oo Idaacadda Shabeelle uga soo warami jiray Gobolka Shabeelaha Hoose.

11-kii Agoosto 2007 ayay ahayd markii la wada dilay Milkilihii Idaacadda iyo TV-ga  Horn Afrik iyo Idaacadda Capital Voice Cali Iimaan Sharma-arke iyo Agaasimihii Idaacadda Capital Voice Mahad Axmed Cilmi, waxayna maalintaas ahayd maalin ay mugdi gashay Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik oo tijaabisay in Warbaahin xor ah laga hirgelin karo Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo  xiligaas (1999) ay hoggaamiye kooxeedyo heysteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia