Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo beeniyay war ay sii deysay mid ka mid ah Warbaahinta Soomaalida

Cabirka Farta

Arbaco, February 04, 2009(HOL): Iyadoo shalay sii deysay mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida ee ugu codka dheer in madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu dalbaday Ciidamo shisheeye oo wax kala qabta sugidda ammaanka Soomaaliya, ayaa waxaa warkaas beeniyay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Axmed Macallin Fiqi.

Axmed Fiqi waxaa uu sheegay in aaney waxba ka jirin in madaxweynaha uu dalbaday ciidamo shisheeye oo wax kala qabta sugidda ammaanka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in khudbad uu madaxweynaha ka jeediyay shirkii 12aad ee Midowga Afrika uu ku jiray kaliya codsi ahaa in laga gacan siiyo dowladda Soomaaliya sidii 10kun oo Ciidamo ah loogu tababari lahaa, mushaarna loogu siin lahaa.

Xoghayaha gaarka ah ee madaxweyne Shariif waxaa uu intaas ku daray in uusan garaneynin meel ay Idaacadda warkaas sheegtay ka keentay hadalkaas oo uu sheegay in uu ku ahaa mid kedis ku ah oo ay aad ula yaabeen.

“Madaxweynaha markii uu qudbeynayay waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay Ciidamo Soomaali ah oo weligood joogaya, dadkooda, dadkooda iyo cimiladooda yaqaana”ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Daahir Maxamuud Geelle iyo Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo labadaba ka mid ah Wafdiga madaxweynaha ee Addis Ababa ku sugan ayaa waxay sheegeen in uusan madaxweynaha jeedin codsi ku saabsan in ciidamo shisheeye lagu kaalmeeyo.

Hadalka ay sii deysay Idaacaddaas ayaa wuxuu ahaa mid niyad xumeeyay dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, waxayse rajada dadkaas kistoo soo wanaagsanaatay markii xafiiska madaxweynaha laga beeniyay warkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia