Madaxwaynaha cusub ee Puntland oo gaaray Boosaaso

Cabirka Farta

Talaado, February 03, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta soo gaaaray magaalada Boosaaso, iaydoo soo dhawaynta madaxwaynahana ay ka qayb qaateen dhamaan Shacabka DGPL oo isugu jira qaybo fara badan.
 
Madaxwaynaha ayaa ka soo amba baxay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar kaar ,halkaasoo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay Maamulka degmadaasi  iyo weliba waxgaradka halkaas ku nool, kuwaasi oo madaxweynaha si weyn u soo dhaweeyay.
 
Safarka uu madaxwaynaha DGPL ku soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa ah kiisi ugu horayay,tan iyo intii loo magacaabay xilka madaxweynaha ,isagoo markii uu soo gaaray magaalada Boosaaso-na mid mid u salaamay dadkii soo dhaweeyay.
 
Madaxwaynaha oo sii diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ayaa u mahad celiyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo dhawayntiisa ,waxaana uu sheegay in dadwaynaha Puntland uu u wado is-badal dhab ah.
 
Madaxwaynaha DGPL  C/raxmaan Maxamed Faroole oo ku soo gaaray Magaalada Boosaaso safar dhinaca dhulka ah ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Puntland in ay ka wada qeyb qaataan sidii nabadda Puntland loo adkayn lahaa.
 
Inkastoo aan la ogayn inta uu qaadan doono safarka uu madaxwaynaha ku soo gaaray magaalada Boosaaso  hadana waxaa la is oran karaa waa mid ay kuwa wada qanacsan yihiin maamulka cusub ee Puntland.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaas,Somalia