![]() |
| Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur |
Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay Ciidamadaas xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo marayay Wadada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Ciidamadaas yihiin kuwo u yimid in ay xasuuqaan dadka Soomaaliyeed.
“Ciidamadaas waxay sheegi jireen in ay nabad ilaalin u yimaadeen, laakin waxaa cadaatay in aysan nabad ilaalin u imaanin, taasi bedelkeedna ay u yimaadeen in ay xasuuqaan dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Abuu Mansuur oo tacsi u diray qoysaskii, ehelladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dad shalay ku dhintay rasaas ay fureen Ciidamada Amisom ee degan Wadada Maka Al-Mukarrama.
Abuu Mansuur waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in haddii ay Ciidamadaas bixi waayaan ay hal mar ku wada yaacaan, “haddii aad ku yaacdaan idin kama dhimaneyso wax ka badan inta idinka dhimata marka ay madaafiicda ku garaacaan Suuqa Bakaaraha ama ay rasaas toos ah la dhacaan”ayuu mar kale yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in Ciidamada Amisom ay ka awood yar yihiin kuwii Itoobiyaanka ahaa ee Soomaaliya ka baxay.
Abuu Mansuur oo sii hadlayay waxaa uu midnimo ugu baaqay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii ay midnimo la yimaadaan ay dhisan karaan Dowlad Islaam ah oo dadka ku xukunta Shareecada Islaamka.
Ugu dambeyntiina, Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wuxuu muddo todobaad ah ku sugan yahay magaalada Baydhabo oo uu gacan ku heynteeda kala wareegay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo uu wada hadal ku dhexmaray gudaha Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
