![]() |
| Wasiirka Qorsheynta iyo Ikaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya- C/raxmaan C/Shakuur Warsame |
Wasiirka Qorsheynta iyo Ikaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay u howlgeli doonto wax ka qabashada afar qodob oo kala ah:
-Sii wadida Dib u heshiisiinta, si loogu soo daro dad aan ka mid ahayn Dowladda.
-Sugidda Ammaanka Dalka iyo qaabeynta Ciidamada Qaranka.
-Dib u soo celinta Dadkii ka barakacay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
-Iyo Dhisidda maamullo uu yeesho dalka Soomaaliya.
C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaa uu soo dhaweeyay dadaallo ay wadaan Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan, Culumaa’udiin ka yimid Caalamka iyo weliba Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, wuxuuna sheegay in dadaalladaas ay yihiin kuwo loo baahnaa.
Dhanka kalena, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamoiga ah ee Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya waxaa uu ka hadlay dagaallo maalmihii ka tegay ka dhacayay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dagaalladaas ay ahaayeen kuwo macno darro ah oo aan loo baahneyn, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Culumaa’udiinka, Odayaasha dhaqanka iyo Aqoonyahannada Soomaaliyeed ay caddeeyeen in aan loo baahneyn dagaallo dambe oo ka dhaca dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
