Khilaaf soo kala dhaxgalay Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan iyo Odayaasha Deegaanka Jawiil

Cabirka Farta
Jimco, 27, Febarayo, 2009 (HOL)  Sida uu HOL u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Jawiil ee Goballka Hiiraan C/llaahi Cabdi Cariig waxaa meel sare gaaray khilaaf soo kala dhaxgalay Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga ah ee Goballka iyo Odayaasha deegaanka Jawiil kaas oo la xiriira sida uu sheegay C/llaahi Cariig Degmo ka dhigista deegaanka Jawiil.
 
Waxaa uu sheegay Cariig in Xukuumaddii uu hoggaaminayay C/llaahi Yuusuf Axmed ay u ogolaatay sharci ahaan in Jawiil laga dhigo Degmo, isaga oo intaas raaciyay in ay qaban qaabinayeen musaabad xirigga looga jarayo Degmada taasoo uu is-hortaagay Maamulka Goballka Hiiraan.
 
Saraakiil sare sare oo ka tirsan Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa iyagu sheegay in xaaladu aysan aheyn sida loo buun buuninayo, waxayna cadeeyeen in aysan ka warqabin Wareegto loogu aqoonsaday in deegaanka Jawiil laga dhigay Degmo.

Saraakiishu waxay intaas raaciyeen in aysan jirin sabab deegaanka Jawiil loogu aqoonsado Degmo marka dhinacyo badan arinta laga eego, sida baaxadda dhulka, tirada Dadka ku dhaqan, iyo in goobtu lee dahay dhamaan Adeegyadii Bulshada, sidaa daraadeed suurta gal ma'aha ayay yiraahdeen Saraakiishu in Jawiil lagu magacaabo Degmo.
 
Sikastaba arrintu ha ahaatee, khilaafka labada dhinac oo hadda noqday mid u soo gudbay Warbaahinta ayaan la ogeyn ugu danbeytii halka uu ku danbeyn doono, maadaama wali Odayaasha deegaanka Jawiil ku adkeysanyaan in dhawaan ay dhigi doonaan Munaasabada xariga looga jarayo Aqoonsiga Degmo ahaanshaha Jawiil.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia