Dhismaha Gollaha Wasiirada Xukuumada Midnimada Qaran ee Soomaaliya ma lagu wada qanacsan yahay?

Cabirka Farta

Sabti, 21, Febarayo, 2009 (HOL) Mar la eego tirada Wasiirrada la magacaabay iyo waqtiga kooban ee uu Ra’iisal Wasaaruhu ku  soo badhigay liiska Golihii Wasiirada waxaa suurtagal ah in markiiba Su'aalo badan laga keeno qaabka ay ku dhisan tahay Dowladda Cusub iyo waliba sida loo qeybsaday, maadaama dad badni filayeen in R/iisul Wasaaruhu ku qaadato Magacaabista Wasiirada Xuukumada muddo ka badan waqtiga hadda lagu soo badhigay.

Waa suurtagal in dhinacyadii TFG iyo waliba Isbaheysigu ka wada qeyb-galeen talada shaxda cusub ee la soo badhigay laakiin haddana iyadoo ay siidaa tahay su'aalaha leys weydiin karo ma'aha kuwo tiro yar balse tan ugu muhiimsan ayaa oran karaa'' Liisku ma yahay mid ay ku wada qanci karaan dhinacyadii ku heshiiyay in ay dhistaan Dowladda Midnimada Qaran.

Dabcan Jawaabtu waa mid quseyn karta hadba sida ay u arkaan labada garab ee Dowladda wada dhistay, walow hadana dhinaca Isbaheysiga aad moodo in ay yihiin kuwo isku qoray safka hore taas oo micnaheedu yahay in ay qaateen Wasaaradihii ugu mudnaa marka laga hadlayo dhismaha Golaha Wasiirrada oo xitaa si loo wada qanciyo raggii ka soo qeyb-qaatay ka miro dhalinta halgankii dheeraa ee uu soo galay Isbaheysiga waxaa labo loo kala qeybiyay Wasaarado markii hore hal mid isku ahaa kuwaas oo hadana loo kala dhiibay rag isku dhinac ka soo wada jeeda Siyaasad ahaan.

Tusaale ahaan ragii ay sida weyn isugu dhawaayeen Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed sida C/raxmaan C/shakuur, Cumar Xaashi Aadan, Shariif Xasan Shiikh Aadan, C/raxmaan Jinaqow iyo C/qaadir Cali Cumar oo arrimaha gudaha u qaabilsanaa Maxkamadaha kuma aysan qaadan Liiska cusub waliba waxaa ay ka muuqdaan Safka hore, halka dhinaca TFG-da mudnaanta ugu badan la siiyay Xubnihii ka tirsanaa Dowladdii hore ee Cali Max'ed Geedi, sida Max'ed Cabid Xayir Maareeye, Madoobe Nuunow Max'ed,  Maxamed Ibrahim Xaabsade, Cali Jaamac Jengeli, Khadiijo Maxamed Diiriye, Qamar Aadan Cali, C/dalla Boos, iyo waliba qaar kale oo badan.

Laakiin marka la eego dhinaca Dowladdii uu hoggaaminayay Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) kuma laha miisaan la taaban karo Xukuumaddan, waxaana muuqata in kaalintoodii ay buuxiyeen rag kale oo aan markoodii hore Wasiirro aheyn qaaroodna dibadda ka soo galay.

Dad badan ayaa filyay in Dowladda cusub ay ka dhax muuqan doonaan Xubnihii ka tirsanaa TFG-da ee sida weyn uga soo shaqeeyay heshiiskii Asalka u ahaa in la wada dhisto Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed, sida Axmed C/salaan Xaaji Aadan,  Nuur Xassan Xuseen Nuur Cadde iyo Saaxiibadii ay guddiga kuwa jireen.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dhismaha cusub ee Golaha Wasiirada ayaa isha lagu wada hayaa sida ugu danbeytii Baarlamaanku ka yeelo, iyadoo hadii ay aqbalaan Xubanaha ku jira Golaha Baarlaamka ga'aanka uu qaatay R/iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharmarke Dowladdu waa mid guuleysatay, laakiin haddii ay diidaan waxaa mar kale qasab noqon doonta in dib loo soo dhiso golle Wasiirro oo qancin kara Baarlaamaanka wadaaga ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia