Nigeria oo dib u gurasho ka sameyneysa in ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya

Cabirka Farta

Sabti, February 21, 2009(HOL): “Xaaladda Soomaaliya waa ay ka sii dartay tan iyo markii ay Dowladda Nigeria aqbashay in ay Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah u dirto Somaaliya, sidaas darteed Dalka Afrikada Galbeed ku yaala ee Nigeria waa uu y ka fiirsanayaa in uu Ciidamo u diro Soomaaliya” sidaas waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga Nigeria Shettima Mustapha.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa ka cago jiidaya in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, si ay u xoojiyaan Ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan Magaalada  Muqdisho oo ay ka dhaceen dagaallo xooggan oo ay ku dhinteen dad kumaan kun ah, kuwo  ay ku dhaawacmeen, kuwo kalena ay guryahoodii ka qaxeen.

“Markii Nigeria ay go’aansatay in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya waxay ahayd sanadkii 2006, ciidamada ay direysayna waxay ahaayeen kuwo nabad ilaaliyayaal ah”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Nigeria Shettima Mustapha oo u waramayay Wageyska ka soo baxa dalkaas oo lagu magcaabo Vanguard.

“Laakin sanadihii la soo dhaafay xaalka waa is-bedelay, waxa Soomaaliya ka jirana waa kooxo kala qeybsamay oo xukumo deegaanno dhowr ah oo ku yaala Soomaaliya, taasi macnaheedu waa in marka aad Soomaaliya tagto aad la dagaalanto kooxo kala duwan si aan nabadda u xoojiso”ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Nigeria.

Hadalka uu sii daayay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Nigeria ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo bishii December ee sanadkii hore uu Madaxweynaha Nigeria Umaru Musa Yar'Adua u xaqiijiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. Jean Ping in Dowladdiisa ay Ciidamo u direyso Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia