Arbaco, February 11, 2009(HOL): Guddiga Ammaanka Gobolka Banaadir ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa codsaday in Ciidamada Booliska iyo Mileteriga ee Dowladdii TFG-da lagu xareeyo muddo 48 saac gudahood ah.
Guddoomiyaha Guddigan, ahna Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir MAxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur ayaa sheegay in sababta ay codsigaas u jeediyeen ay tahay in ay doonayaan in ay qabtaan howlo badan oo la xiriira sugidda ammaanka Gobolka Banaadir.
“Codsigan waan u dirnay Dowladda, waxaana rajeyneynaa ina y Ciidamada mudadaas ku xareyn doonto”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo intaas ku daray in aaney suurtagal ahayn in amni la sugo iyadoo ay waddooyinka joogaan ciidamo badan oo dhibaatooyin laga sheeganayo.
Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa intii uusan shalay ka duulin magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in uu magacaabay guddi ka shaqeyn doona ammaanka Magaalada Muqdisho, kaasi oo uu caddeeyay in uu yahay mid isku dhaf ah oo heer qaran ah.
Hadalka uu sii daayay Guddigan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Ciidamo Mileteri iyo Boolis isugu jira oo dhibaatooyin laga sheegto, kuwaasi oo ka tirsanaa Dowladdii hore ee TFG-da. Dhanka kalena, waxaa qeybo ah Magaalada Muqdisho Ammaankeeda sugaya Ciidamo ka tirsan Maamulka gudaha ee Maxkamadaha Islaamka.
Xubnaha Guddiga Ammaanka:
Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur
C/fataax Ibrahim Shaawey
Col. Cali Saciid Shiikh Xasan
Cali Caraaye Cosoble
Maxamed Rooble Jimcaale
Cali Xabad
Yaxye C/llaahi Rooble
Xasan Macallin Mahadi
Jaamac Xaashi
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia