Ganacsatada Soomaaliyed ee ku Dhaqan Magaalada Cape Town ee Dalka K/Africa oo loogu hanjabay in la gubayo goobahooda ganacsiga

Cabirka Farta

Arbaco, February 11, 2009(HOL): Muddooyinkan danbe waxaa ka jiray dalka Koonfur-Afrika hanjabaado is-daba jooga oo loo geysanayay Ganacsatada Soomaaliyed ee ku dhaqan magaaladda Xeebta ah ee Cape Town.
 
Hanjabaadyadan ayaa ka dambeysay kadib markii Ganacsatada Soomaaliyed ee ku dhaqan tuulada Strand ee magaalo-xeebeedka Cape Town lagu wargaliyay inay isaga guuran kal hore halkaasi iyadoo hanjabaadyadaasna ay ka imaanayeen ganacsatada South Afrika u dhashay gaar ahaan kuwa ku dhaqan tuuladaas.
 
Berito waa isniin waa maalinta loo qabtay in ay isaga guuraan tuulada Strand haddii kalene ay la kulmi doonaan caqabado ay weligood ka sheekeyn doonaan waa sida ay ku hanjabeen ganacsada u dhashay dalkan K/Afirca.
 
Habeennimadii xalay abaarihii 12:00 ayaa la isku dayay in la jebiyo dukaan ka mid ah kuwa ku yaala tuuladan balse waa ay jebin waayeen dabadeedna waxay dab ku qabteen ilinka hore, waxaana ka soo gaaray dabkaas Police-ka kuwaasi oo u yeeray markiiba baabuurta dab-damiska iyo waxaana lagu guuleystay in dabkii la demiyo iyadoo uusan wax khasaare ah geysan.
 
Soomaalidda ku dhaqan magaaladda Cape Town ee ganacsiga ku leh ayaa arrintan ka muujiyay wel-wel faro badan maadaama ganacsigooda loogu hanjabay in gabi ahaanba dab la qabadsiin doono haddii aysanisaga  guurin halkaasi.
 
Ugu dambeyntiina, Mid ka mid ah Ganacsatada ku dhaqan tuulada dhibka ka taagan yahay ee Strand ayaa ii sheegay inay mudooyinkan danbe uu aad u soo food saaray welwel ka duwana kuwii hore, wuxuuna sheegay in uusan garaneynin  wax lagu bartilmaameedsanayo Ganacsatadooda Soomaalida ah oo kaliya maadaam ay jiraan ganacsato kale oo Afrikaan ah oo aan wax dhibaato ah loo geysan.
 
Hassan Yeey
[email protected]
Johannesburg, South Africa