Jimco, 4, Dec, 2009 (HOL) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Shiikh C/qaari Cali Cumar oo ka hadlayay qaraxii maalintii shalay ka dhacay Hotel Shaamow ee Magaalaada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, Aqoonyahanno, Wariyayaal, Dhaqaatiir iyo Ardey ka qalan jibeyneysay Jaamacada Banaadir ayaa sheegay in uu ahaa mid ay soo abaabuleen kooxaha Dowladda ka horjeeda.
Wasiirka Arriimaha Gudaha C/qaadir Cali Cumar waxaa uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay kooxda Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin oo uu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen qaraxaasi lagu dilay dadka isugu jira qeybaha Bulshada, waxaana uu intaa ku daray in dhowr jeer oo hore ay sheegteen qaraxyo kuwan la mid ahaa oo ka dhacay qeybo badan oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.
Waxaa kaloo uu sheegay C/qaadir Cali Cumar in dhibaatadii ka dhacday Hotelka Shaamow, aysan marnaba hakad galin doonin howlihii socday islamarkaan dhawaan Dowladdu wax ka qaban doonto arrimaha amaanka simarkaa ayuu yiri meesha looga saaro kooxaha caadeystay falalka noocaa oo kale ah.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in Dowladdu diyaarineyso sidii daaweyn dibadda ah loogu qaadi lahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ee waxba looga qaban waayay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana uu intaas ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan howshaasi loogu dhaqaaqi doono.
Inkastoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya uu ku eedeyay in Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ka danbeeyeen qaraxa dhacay ayaa haddana Af-hayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Max'uud Raage (Shiikh Cali Dheere) waxaa uu iska fogeeyay in ay ku lug leeyihiin qarax ka dhacay Hotel Shaamow isaga oo tacsi u diray dadkii halkaa ku geeriyooday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ku eedeyay Xarakada Shabaabul mujaahidiin in ay ka dambeeyeen qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
More News
- Ururka Hayan Media oo shir looga hadlayay Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ku qabtay Magaalada Nairobi (DAAWO SAWIRRO)
- Xukuumadda Somaliland oo sheegtay in markii u horraysay Somaliland lagu arkay Xayawaan aan hore u joogin
- Ciidamada Ammaanka ee Gobolka Sool oo soo bandhigay Waxyaabaha qarxa oo ay qabteen iyo Madaxii Sirdoonka ee Gobolkaas oo la xidhay
- Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar oo Wiil dhalinyaro ah lagu dilay
- 8 ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo Nairobi la gaarsiiyay
- Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo iyo Ganacsatada oo ka wada hadlay dhibaatooyin maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa Qaadashada Lacagaha Doolarka ah
- Hay'addaha Xuquuqda Aadanaha, Beesha Caalamka iyo Ururo Cambaareyn u jeediyay Qaraxii ka dhacay Maalintii shalay Magaalada Muqdisho.
- Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo cambaareynta Falkii Xasuuqa ahaa ee lagu laayey Lafdhabarkii Bulshada Soomaaliyeed