Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo iyo Ganacsatada oo ka wada hadlay dhibaatooyin maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa Qaadashada Lacagaha Doolarka ah

Jimco, 4, Dec, 2009 (HOL) Maamulka islaamiga ah ee magaalada Kismaayo iyo ganacsatada qeybaheeda kala duwan sida Shirkadaha Xawaaladaha, Sarifleyaasha iyo Bakhaarleyda ayaa ka wada hadlay dhibaatooyin bilihii lasoo dhaafay ka taagnaa qaadashada Lacagta Doolarka

Shir ay shalay galinkii danbe ay isugu yimaadeen masuuliyiin maamulka iyo ganacsatada ayaa waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha dhanka lacagta doolarka ah ee ay sariflayaasha diidaan shirkaduhuna ay dadka siiyaan lacagaha duuga ah taas oo dhibaatadeedu ay ka jirtay gudaha magaalada Kismaayo taasoo saameyn ballaaranna ku yeelatay nolosha dadka reer Kismaayo.

Waxaana ugu horeyn kulankaasi ka hadlay afhayeenka maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka Sheikh Xasan Yacquub Cali, oo sheegay in ay ganacsatada isku afgarteen sidii loo socodsiin lahaa lacagaha duugga ah ee ay ganacsatada inta badan diidaan, isagoona sheegay in ciddii diida lacagahaasi ay ciidamada Ammaanka tallaabo ka qaadi doonaan islamarkaasina ay soo xiri doonaan.

Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha Shirkadaha Xawaaladaha Bashiir Axmed Faarah (Bashiir Dahabshiil) ahna, maamulaha Shirkada Xawaalada ee Dahabshiil, waxaana uu sheegay in ay taageersan yihiin go’aanka ay kala saxiixdeen Maamulka iyo masuuliyiinta Ganacsatada magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in ay socodsiin doonaan Lacagaha uu maamulku ku amray in ay qaataan.

Ugu danbeyntii Sheikh Xasan Yacquub Cali ayaa waxa uu ganacsatada ugu baaqay in ay dadka walaalahooda ah u gargaaraan islamarkaasina aysan ku celin lacagaha doolarka garafada yar leh ama duugga ah.

Heshiiskan ay gaareen ganacsatada magaalada kismaayo iyo maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeyay ay jiraan muran la xiriira qaadashada lacagaha doolarka ah oo u dhexeeya shirkadaha xawaaladaha ah iyo sariflayaasha suuqa kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya