Khamiis, 3, Dec, 2009 (HOL) Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa ka hadlay booqasho dhawaan qaar ka mid ah xeryaha Ciidamada Dowladda uu ku tagay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
C/raxmaan Cabdi Shakuur waxaa uu ku tilmaamay booqshada Madaxweynaha in ay qeyb ka tahay qorshayaal Dowladdu ay ku dooneyso in ay wax uga badasho hogaanka Ciidamada qaarkood iyo waliba arrimaha amaanka, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan Dowladdu soo bandhigi doonto waxqabad muuqda oo la xiriira dhinaca amaanka.
Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay in ka hor inta aan la guda galin sanadka cusub Dowladdu ku talaabsan doono isbadal dhinacyo badan leh, sida arrimaha Nabad-galyada iyo dhaqaalaha oo ah ayuu yiri kuwo mar walba isla socda.
Dhinaca kale waxaa uu ugu baaqay beesha caalamka in ay gacan siiyaan dhaq dhaqaaqyada durbaba ka bilaawday gudaha dalka Soomaaliya simarkaa loo soo afjaro dagaalada ka socda qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Madaxweyaha Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan booqasho ku tagay qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya xili Madaxweynuhu uu ku labisnaa dhirka Ciidamada ee Tuutaha ah taasoo dadka intiisa badan ku dhalisay su'aalo u badan sababta keentay waqtigan in uu Madaxweyuhu xirto dhirka Ciidamada Militriga, waxaana xusid mudan in dhanaca kale la hadal hayo warar ku saabsan is badal la doonayo in lagu sameeyo hogaanka Ciidamada Militariga iyo Baliiska Dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowladda Soomaaliya oo sheegay in dhawaan Dowladdu is badal ka sameyn doono dhinaca amaanka.
More News
- Aqoon is-weydaarsi ku saabsan kalsooni-dhisidda Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya oo Kampala ka dhacay (DAAWO SAWIRRO)
- Dowladda Kenya oo sheegtay in ay iska difaaci doonto Xoogagga Al-Shabaab
- Sawirrada Wasiirada ku geeriyooday qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif oo shir saxaafadeed kaga hadlay Qaraxii saaka ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay wasiirro ka tiran DFKMG ah
- Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Dhaqaatiir, Wariyayaal iyo Arday ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Dagaal u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Xarakatul Shabaab oo Muqdisho ka dhacday
- Dagaal culus oo xalay Degmada Dharkeenley ee Goballka Banaadir ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliy iyo kooxaha ka soo horjeeda.