Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo labo Macallin ku dilay Deegaanka Raadeerka ee Degmada Dayniile

Cabirka Farta

Isniin, September 08, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay deegaanka Raadeerka ee Degmada Dayniile ay ku dileen labo nin oo la sheegay in ay kala ahaayeen Macallin Dugsi qur’aan iyo Macallin wax ka dhiga Dugsiyada lagu barto Luuqadaha.

Ciidamada ayaa waxay labada Macallin dileen kadib markii ay Ciidamada saaka ku faafeen Xaafado ka tirasn Degmada Dayniile, isla markaana ay halkaas owlgallo ka sameeyeen, iyadoo aan la soo sheegin wax weerar ah oo lagu qaaday kaasi oo la oran karo wuxuu keenay in ay dilkaas geystaan.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Macallinka Dugsi Qur’aanka dhigayay oo lagu magacaabo Macallin Maxamed Shiikh Salaad uu ahaa Macallin  ay ka codsadeen Dadka deegaanka in uu Caruurta u tarbiyeeyo, Qur’aankana uu u baro, iyadoo sidoo kalena uu ahaa Imaamka Masjid Deegaankaas ku yaala.

Falka dilka ah ee ay Ciidamada Itoobiyaanka kula kaceen labadaas Macallin ayaa waxaa si weyn uga xumaaday Dadka ku dhaqan Xaafadda Raadeerka, kuwaasi oo sheegay in ay la yaabsan yihiin sababta ay Ciidamada Dowladda u dileen Macallimiintaas oo ahaa kuwo aan waxba galabsan.

Dhanka kalena Warar naga soo gaaray Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo weliba ah kuwii dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ay rasaas ku fureen Dugsi Qur’aan xaafaddaas ku yaala, iyadoo halkaasina uu ku geeriyooday mid ka mid ah Ardaydii Dugsiga, halka ay labo kalena dhaawacyo soo gaareen.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa had iyo jeeraale waxaa lagu eedeeyaa in ay si bareer ah u toogtaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay xaafadahooda ugu tagaan marka ay howlgallada sameynayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia