Isniin, September 08, 2008(HOL): Xero ay ku nool yihiin Dad ka barakacay magaalada Muqdisho oo ku taala Deegaanka Carbiska ee Degmada Af-gooye ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu weeraray bambo gacmeedyo, iyadoo weerarkaasina uu sababay dhimasho soo gaartay qaar ka mid ah dadkii xeradaas ku sugnaa.
Labo ruux ayaa la sheegay in ay u geeriyoodeen Qarax ka dhashay Bambooyinkaas, kuwaasi oo uu mid ka mid ah isla goobta ku geeriyooday, halka midka kalena uu dhiig-bax u dhintay kadib markii uu gargaar deg deg ah waayay.
Mid ka mid ah Dadkii dhacdadaas goob-joogga u ahaa ayaa sheegay in markii Bambada lagu tuuray Xerada kadib ay dhacday rasaas aan la ogeyn cidda furtay, taasi oo dadkii Xeradaas ku sugnaa ku kaliftay in ay ka sii barakacaan guryo cooshado ka sameysan oo halkaas uga dhisnaa.
Lama garanayo ilaa iyo haatan ciddii falkaas ka dambeysay, waxayna dadka ku dhaqan xeradaas ay muujinayaan wel wel ku saabsan nabadgelyo darrada looga daba-geeyay Deegaanka Carbiska oo ay u qaxeen kadib markii ay dagaallada ka bilowdeen Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, dhawaanahan ayaa waxaa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye oo ay u barakaceen inta badan dadkii Muqdisho ka qaxay waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayo Hor-joogayaasha Xerooyinka Qaxooti ee ka sameysmay halkaas, iyadoo sidoo kalena ay halkaas ka dhaceen dilal iyo Af-duub loo geystay mas’uuliyiin howlo samafal ka waday halkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia