Maamulka Puntland oo Guddi u saaray la kulanka kooxo Burcad Badeed ah oo ku sugan Degmada Ayl

Cabirka Farta

Jimco, September 05, 2008(HOL): Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa dadaal balaaran ugu jira sidii uu kalamo ula qaadan lahaa kooxo  Burcad Badeed ah oo dhawr Markab afduub ugu haysta xeebta degmada Ayl ee Maamulka Puntland.

Dadaallada uu Maamulku arimahaan ugu jiro ayaa lagu wadaa in ay hakiso af-duubyo dheeraad ah, kuwaasi oo ka dhici lahaa xeebaha Gacanka Cadmeed ee ku teedsan Xeebaha Puntland.

Dhawaan Degmada Ayl ee Maamulka Puntland waxaa gaaray Wafdi uu horkacayo Wasiirka Macdanta Iyo Batroolka Puntland Xasan Cusmaan Maxamuud Aloore ,kaasi oo halkaasi u  tagay  in uu la kulmo Saraakiisha Burcad Badeed-da ugu sar saraysa.

Waxaa jira in la kulanka kooxahaasi Burcad Badeedka ah uu Maamulka Puntland u saaray Guddi wax ka badala xaaladda afduub ee waqtiyadii ugu danbaysay ku soo badanaysa xeebaha deegaanada Puntland gaar ahaan Degmada Ayl.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Puntland ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan la hadalka kooxaha Burcad Badeedka ah ee ku sugan demada Ayl ,si looga hortago khatarta ay af-duubayadu ku keeni karaan Xeebaha Puntland.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo yeeray kooxaha Burcad Badeedka ah oo ku aadan in ay la kulmayaan Maamulka Puntland iyo in kale, balse Maamulka Puntland ayaa rajo wayn ka qabo in la soo af-meero af-duubyada ka dhacaya Xeebaha Gacanka Cadmeed.

Degmada Ayl waxaa Iminka af-duub loogu haystaa tobon Markab oo laga kala leeyahay dalal caalamka ku yaala , waxaana doontiii u danbaysay Laga lahaa Dalka France ,taasi oo ay dusheeda saarnaaayeen Dalxiisayaal Faransiis ah.

Inkastoo aysan kulan dhab ah aysan  Wada qaadan Gudiga uu Maamulku Puntland u
saaray arimahaasi iyo Burcad Badeedka ayaa hadana la dareemayaa Saxan
saxada kulan  dhexmara Maamulka iyo Burcad badeedka.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia