Jimco, September 05, 2008(HOL): Iyadoo bilihii aynu soo dhaafnay dadka ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ay ka cabanayeen Abaaro la sheegay in ay ka dhasheen Roob yari soo food saartay Gobalka, ayaa wararka laga helayo qeybo ka mid ah Degmooyinka iyo dhulka fog ee baadiyaha ah waxaa ay sheegaan in Saacadihii aynu soo dhaafnay ay jireen Roobab meelaha qaar biyo dhigay.
Meelaha sida weyn Roobku uga da'ay ayaa waxaa ka mid ah dhulka ay ku nool yihiin dadka Xoolo dhaqatada ah oo labadii sano ee la soo dhaafnay aan u helin Xoolahooda deeq ku filan maadaama uu dhulka qalalay kuleylka jira awgii.
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in sidoo kale Roobku uu biyo dhigay meelaha qaar Balliyadii ay Xoolahu ka cabi jireen taasoo soo nooleyn karta rajada Xoola dhaqato markii hore ku jahwreersaneyn sidii ay u heli la haayeen biyo iyo baad ku filan.
Laakiin marka laga soo tago in Roobabka ku soo beegmeen xili si weyn loogu baahnaa ayaa hadana dhinaca kale waxaa xusid mudan in Roobabkani da'ayaan xili Qoysas faro badan oo ka barkacay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne dhibaato dhinaca nolosha ah ay soo food saartay, waxaana xusid mudan in Qoysaskaasi qaarkood aysan ku nooleyn hoy ka difaaci kara Roobabka da'aya iyo waliba qabowga soo dhaca xiliga habeenkii.
Sidaas daraadeed, hay'adaha Samafalka qaarkood ayaa hadda qorsheynaya in ay gaaraan goobaha ay ku nool yihiin dad soo barakacay si markaas loo gaarsiiyo ugu yaraan kaalmo wax ka tari karta dhibaato laga yaabo in ay kala kulmaan Roobabka meelaha qaar ka da'aya, Sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Mas'uuliyiita hay'adda Bisha Cas.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, Roobabkan ay ku soo beegmay labo marxaladood oo kala duwan sida Xili ay jirto xaaladd Abaareed oo sababtay in deegaano badan ay ka hayaamaan Xoolo dhaqatad ee ku nooleed, iyo waliba waqti dibadda Magaalada ay daadsan yihiin Qoysas dan yar ah oo laga yaabo in roobabku saameyn ku yeeshaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia