![]() |
| Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur ) |
Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay xoogaggooda qaadeen uu bilow u ahaa dagaallo xiriir ah oo socon doona ilaa 6-da bisha Soon-fur ee soo socota.
“Dagaalladaas wuxuu hal-ku-dhigoodu yahay nabadgelyo ma jirto ilaa la helo Islaam sax ah, wuuna socon doonaa ilaa bisha Soon-fur ee socota”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kuwo aan toosneyn ku tilmaamay dadka dhahaya dagaallada hala joojiyo inta lagu jiro bisha Ramadaan.
“Qofka Muslimka ah isagoo sooman waa uu dagaallami karaa maalintii, habeenkiina wuu cibaadeysan karaa, marka dadka dhahaya dagaalka hala joojiyo bisha Ramadaan waa kuwo dadka tash-wiish gelinaya oo aan toosneyn”ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuu Mansuur.
Shiikh Mukhtaar Roobow mar uu ka hadlayay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in ay Xoogagga Al-Shabaab dhowr jiho ka weerareen Xarunta Madaxtooyada, isla markaana ay khasaare u geysteen Ciidamadii ka soo horjeeday, halka uu xusay in dhinacooda uu dagaalka uga dhintay hal dagaalyahan, labo kalena ay uga dhaawacmeen.
Dhanka kalena Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu ka hadlay hadal dhawaan sheegay RA’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, kaasi oo ahaa in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, wuxuuna sheegay Abuu Mansuur in Meles Zenawi uu caddeeyay in ay Ciidamadiisa ku jabeen Soomaaliya.
“Hadalka uu sheegay Meles Zenawi waa mid uu ku tuugsanayo oo uu Caalamka dhaqaale uga rabo, wuxuuna leeyahay haddii aanan dhaqaale la i siinin waxaan idinku soo dhaweynayaa Argagixiso, laakin waxaa run ah in Meles Zenawi Ciidamadiisa ay ku jabeen Soomaaliya waayo markii ay Soomaaliya soo gelayeen waxay ku sugnaayeen Koofurta Soomaaliya oo dhan, haddana Soomaaliya waxay ka joogaan seddex magaalo kaliya”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Ugu dambeyntiina, hadalka uu maanta sii daayay Abuu Mansuur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamk C/raxiin Ciise Caddow uu sheegay in ay bisha Ramadaan sii labalaabi doonaan dagaallada ay kala soo horjeedaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
