Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo ka cabanaya Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan

Cabirka Farta

Arbaco, September 03, 2008(HOL): Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa ka cabanaya wax ay ku tilmaameen xarig iyo marka qaar jirdil Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan ay kula kacaan dadka rayidka ah iyagoo ku soo eedeynaya arimo ay ka mid yihiin in ay ku guda jiraan falal ka dhan ah Nabad-galyada.

Laakiin marka laga soo tago dadka lagu soo eedeeyo in ay qalqal ku hayaan Nabad-galyada Magaalada  waxaa sidoo kale jirta in Ciidamadu xiraan qofka ay u rakaan in uu leeyahay muuqaal Diimeed kaas oo ay ku tilmaamaan in uu ka mid yahay Kooxaha ka soo horjeeda.

Waxaa xusid mudan in dadka safarka ah yihiin kuwa ugu daran ee aritani saameynayso, waxaana saacadihii aynu soo dhaafnay Xabsiga la dhigay in ka badan 10 dhalinyaro ah kuwaas oo la socday gaadiid safar ah oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah Gobollada dalka.

Xarigga dadka rayidka ah ayaa mar marka qaar waxaa ay khilaaf adag ka dhex abuurtaa Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada iyo kuwa Maamulka Gobalka gaar ahaan marka ay isku dayaan Ciidamada Itoobiyaanku in ay is hortaagaan Xarigga micno darrada ah ee lagu hayo dadka aan waxba galabsan.

Maalintii shalay ayay ahayd markii ay Ciidamada Itoobiya Xabsiga dhigeen mid ka mid ah Ciidamada Maamulka oo isku dayay in uu is-hortaago Gaari yar oo dhaxmarayay gudaha Magaalada, waxaana Ciidamada Itoobiyaanku ku qanciyeen dadkii saarnaa gaariga in ay sii wataan howlahooda, ilaa haddana ma jirto cid gaar ah oo ka hadashay xariga iyo jir dilka lagula kacayo dadka rayidka.

Dadka qaarkii ayaa marka aad la sheekeysato waxay kuu sheegayaan in goobaha ay joogaan Ciidamada Itoobiyaanku yihiin kuwo si xor ah loogu socon karo, laakiin marka aad soo gaarto Is-goysyada ay fadhiyaan Ciidamada Maamulka Gobalka xaalku isku bedelaayo (Farta iyo wadnaha Isku qabo).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia