Arbaco, September 17, 2008(HOL): Hotelka Sheraton ee Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa maanta waxaa ka bilowday shir seddex maalmood socon doona oo u dhaxeeya Ergooyin ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.
Shirkan oo lagu waday in uu furmo saaka goor hore ayaa waxaa soo gaarsiiyay ilaa maanta duhurradii Ergooyinkii ka socday Isbaheysiga Dib u xoreynta oo dood ka keenay in Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya uu shirarkooda ka qeybgalo Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Dalka Jibouti ,iyadoo ugu dambeyntiina lagu guuleystay in dooddaas xal loo helo, shirka labada dhinacna uu bilowdo.
Shirka ay leeyihiin Ergooyinka labada dhinac ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah Arrimaha Siyaasadda iyo Ammaanka Soomaaliya iyo weliba sidii dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya loola gaari lahaa gargaar deg deg ah.
Ilo ku dhow dhow ergooyinka Shirka ka qeybgelaya ayaa waxay sheegayaan in gunaanadka Shirka Ergooyinka labada dhinac laga soo saari doono go’aanno ka duwan kuwii ay horay u wada gaari jireen labada dhinac, waxaana xusid mudan in ay Ergooyinka labada dhinac ka doodayaan qaabka la isula meel dhigayo qorshe muddo bil ah ay ku howlgeli doonaan Guddiyo ay horay isaga dhex doorteen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo qaabilsan Siyaasadda iyo Aammaanka Soomaaliya.
19-ka bishan oo ku beegan Jimcada soo socota ayaa la filayaa in ay labada dhinac shaaciyaan go’aannada shirkoodan ka soo baxa, waxaana lagu soo waramayaa in saxiixa Go’aannada Jimcaha soo bixi doona ay yihiin kuwo ay dhaqangelin ka dambeyso.
Shirka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uga socda Dalka Jibouti ayaa wuxuu qeyb ka yahay shirar ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay oo soo socday ilaa bishii June ee sanadkan, kuwaasi oo looga gol leeyahay in xal loogu helo Mushkiladda Soomaaliya ka taagan.
Haddaba Heshiiska ay Jimcaha soo socota wada saxiixayaan labada dhinac ayaa haddii la fulin waayo waxaa ka sii hadlay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo dhinacyada Soomaalida ugu baaqay in ay dhaqangeliyaan Heshiiskaas, isla markaana ay ka fogaadaan in ay sameeyaan waxyaabo heshiiskaas burin kara.
Ould-Abdallah waxaa uu sheegay in aan laga ogolaan doonin kooxaha qalalaasaha ka wada Soomaaliya in ay iska sii wadaan dhibaatada, wuxuuna caddeeyay in Sabtida soo socota wixii ka bilowda la eegi doono ciddii dooneysa in ay dhibaatada Soomaaliya sii socota, isagoo Kooxaha ku lugta leh dhibataada Soomaaliyana uga digay in ay afkooda isku maxkamadeeyaan.
“Waxaan u maleynayaa xiligaas kadib cid kasta oo meel fagaare ah ka sheegata in ay dil iyo qalaase sii wadeyso waxay isaga/iyada isu soo bandhigi doontaa cadaaladda, waana ay dhamaaday waqtigii la xisaabtan la’aanta”ayuu yiri Ould-Abdallah oo sheegay in kooxaha dhibaatada ka wada Soomaaliya ay dhici karto in la hor-geeyo Maxkamadda Dembiyada Dagaalka ama Maxkamad Mustaqbalka loo sameyn doono Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia