Hay’adda WFP oo Midowga Yurub ka codsatay Maraakiib Dagaal oo Burcad Badeedka ka ilaaliya Gargaarka Bani’aadannimo ee ay Soomaaliya geyso

Cabirka Farta

Arbaco, September 17, 2008(HOL): Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka codsatay Dalalka ku bahoobay Ururka Midowga Yurub in ay ku caawiyaan Maraakiib dagaal oo Maraakiibta u kireysan ee Soomaaliya Mucaawino geeya ka ilaaliya Kooxo Burcad Badeed ah oo Xeebaha Soomaaliya ka dilaacay.

Agaasimaha Hay’adda WFP ee Soomaaliya Peter Goossens ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP in ay Raashinka Mucaawinada ah ee ay geeyaan Soomaaliya ay khatar uga imaan karto Kooxo Burcad Badeed ah oo ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Peter Goossens waxaa uu sheegay in haddii aan la helin Maraakiib bedela Markab dagaal oo ay Dowladda Canada ugu deeqday WFP uu istaagi doono raashinka mucaawinada ah ee geeyaan Soomaaliya, wuxuuna xusay in Markabka Dowladda Canada ugu deeqday uu ku egyahay waqtiga uu la shaqeynayo 27-ka bishan.

Peter Goossens wuxuu si diiran u soo dhaweeyay go’aan ay soo saareen Wasiirada Arrimaha Dibadda Dalalka Midowga Yurub, kuwaasi oo shir ay ku yeesheen Xarunta Midowga Yurub iskula guddoonsaday in ay sameeyaan Ciidamo isku dhaf ah oo Xeebaha Soomaaliya ka ilaalin doona Kooxaha Burcad Badeedka ah.

Markabka ay Dowladda Canada u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya ayaa wuxuu Maraakiibta WFP u galbiyaa labo Dekeddooda oo Soomaaliya ku yaala, kuwaasi oo kala ah Dekedda Muqdisho iyo tan macmalka ah ee Marka.

Ciidamo ka socday Dowladaha Holland, France iyo Denmark oo saarnaa Maraakiib dagaal ayaa waxya muddo 8 bilood ah ilaalinayeen Maraakiibta u raran WFP ee Dekedaha Soomaaliya raashinka geeya, hayeeshee Ciidamadaas wey ka baxeen Biyaha Soomaaliya markii uu u dhamaaday waqtigii ay ugu talagaleen in ay Xeebaha Soomaaliya joogaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia