Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in ay sugi doonto Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Cabirka Farta

Isniin, September 15, 2008(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadal dhawaan ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kaasi oo ahaa in laga bilaabo 16-ka September oo caawa saqda dhexe ka bilaabaneysa  uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in y Ciidamada Dowladda Federaalka  iyo kuwa Cidamada Amisom ay sugi doonto Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

“Shirkaddii Diyaaradeed ee diida in ay u hogaansanto hadalka Dowladda ee qaadata hadalka Al-Shabaab ee duulimaadyadeeda hakisa, hadhow laga yeeli maayo aniga xaq baan leeyahay oo garoonka waan ku soo degayaa”ayuu yiri Maxamed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in howlaha Garoonka ay sidooda u socon doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin oo isna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa wuxuu ugu baaqay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab in ay ka digtoonaadaan sida uu u yiri caga-jugleynta ay shacabka ku hayaan, wuxuuna sheegay in ay Dowladda sugi doonto Ammaanka Garoonka Diyaaradaha.

Shirka jaraa’id ee ay qabteen Wasiirradan ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo caawa 1-da Habeennimo uu dhaqangelayo amar uu soo saaray Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kaasi oo lagu xirayo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Haddaba iyadoo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab uu amarkaas soo saaray ayaa dhinaca kale war ka soo baxay Maxkamadaha Islaamka waxaa lagu sheegay in garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay faa’iido badan ku qabaan Shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay mudan yihiin in aan garoonka laga xirin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia