Sabti, October 04, 2008(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu garoonkaas furan yahay.
Afhayeenka Maamulkaas Shiikh Xasan Yacquub Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay diyaaradaha si caadi ah uga soo degi karaan, garoonkana uu furan yahay, wuxuuna caddeeyay maamul gaar ah loo sameeyay maareynta howlaha garoonka.
Shiikh Xasan Yacquub waxaa uu ka hadlay diyaarad Qaad waday oo garoonkaas lagu xabadeeyay markii ay Xoogaggooda la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo dabayaaqadii bishii Agoosto 2008, wuxuuna sheegay in arrintaas ay ku timid qalad ay sameeyeen dadkii ay diyaaraddaas u kireysneyd iyo duuliyayaashii waday, “Diyaaradda sidii ay u socotay ayaa iyadoon istaagin qeybaha loogu talagalay waxay bilaabeen shaqaalihii saarnaa in ay ka tuurtuuraan alaabtii ay waday, kadibna waxaa rasaaseeyeen ciidamo Garoonka joogay”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub oo sheegay in ay soo dhaweynayaan diyaaradaha qaabka saxda doonaya in ay garoonka ugu soo degaan.
Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ayuu sheegay in loo bixiyay magac cusub, isla markaana laga bedelay magacii uu horay u lahaa, “Maanta kadib Garoonkan waxaa loogu yeeri doonaa Garoonka Diyaaradaha Imaam Axmed Gurey”ayuuna yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali Afhayeenka Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo.
Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa tan iyo intii uu la wareegay gacan ku heynta magaaladaas waxaa uu habeenkii ku soo rogay dadka bandow lagu sheegay in ammaanka lagu sugayo, waxaa kale oo uu soo rogay amar dadka faraya in ay goobahooda ganacsiga xiraan marka la gaaro xiliyada Salaadaha, halka 30-kii bishii horena uu burburiyay Kaniisad ku ooli jirtay Magaalada Kismaayo, taasi oo meeshii ay ku tiilay laga dhisi doono Masjid Allaah lagu caabudo, waa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulkaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia