Sabti, October 04, 2008(HOL): Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa beesha ugu baaqay in haddii wax laga qabanayo kooxaha burcad badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ay kooxahaas badan yihiin.
Xildhibaanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka ah aysan ku koobneyn kuwa maraakiibta qafaasha ee lacagta madax-furashada ah weydiista, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan seddex nooc oo burcad badeed ah.
“Kooxaha Burcad Badeedka ee Maraakiibta qafaasha waxaa wehliya oo iyana Burcad Badeed ah kuwa Maraakiibta Kalluumeysi keensada Xeebaha Soomaaliya ee Kheyraadka ka xaalufiya iyo kuwa sida sharci darrada ah dadka uga tahriibiya Xeebaha Puntland”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ku baaqay in dhamaan kooxahaas burcad badeedka ah lala dagaallamo.
Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Xeebaha Soomaaliya ay noqdeen kuwo ay cid kasta ku xad-gudubto, wuxuuna ka codsaday Qaramada Midoobay iyo Dowladaha Maraakiibtooda dagaal ku sugan yihiin Xeebaha Soomaaliya in ay kooxahaas tallaabo ka qaadaan.
Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo beegmayaa iyadoo ay Kooxo Burcad Badeed ah ay Maraakiib tiro badan ku heystaan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo maraakiibtaasna uu ku jiro mid hub uu ku raran yahay oo la sheegay in uu u socday Dowladda Kenya.
Dabayaaqadii todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho uu ku baaqay in si naxariis darro ah loola dagaallamo kooxaha burcad badeedka ah ee maraakiibta ku heysta Xeebaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia