Jimco, October 31, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa caawa fiidkii waxay labo nin oo rayid ah ku dileen Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku nool yihiin dad badan oo ka barakacay Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah Dadka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho in labada Nin lagala degay Gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen, kaasi oo ku sii jeeday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in labada nin ee la dilay ay si ugu lug lahaayeen maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaanahan mas’uuliyiintiisa la bartilmaameedsanayay.
Ilaa iyo haatan lama garanayo sababta ay kooxaha dilka geystay u bartilmaameedsadeen labadaas nin oo la socday Gaari BL ah oo ku sii jeeday Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Inta badan magaalooyinka ay gacan ku heyntooda ku hardamaan maamullada ay dhisto Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geysto cid kasta oo la shaqeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo mararka qaarkoodna ay soo dhexgalaan dilal salka ku haya aano qabiil ama arrimo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia