Jimco, October 31, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in uu muddo 15 cisho gudahood ah ku soo dhisayo Xukuumad cusub oo ay Soomaaliya yeelato.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in mudadaas 15ka cisho ah ay ka soo baxday shirkii IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya dhexmaray, wuxuuna caddeeyay in uu arrintaas si deg deg ugu tallaabsanayo waqtigana uu ku yar yahay.
Mar wax laga weydiiyay in Xukuumadda uu soo dhisayo ay ku jirayaan Wasiirro horay isu casilay oo uu baarlamaanka Soomaaliya diiday in dib loo soo celiyo ayaa wuxuu sheegay in la raaci doono go'aankii Baarlamaanka ee ahaa in aan Wasiirradii is-casilay dib loogu soo celin Xukuumadda.
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa rajo ka muujiyay in Xukuumadda uu soo dhisayo ay wax ka weyn ka bedeli doonto xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay ka taxadari doonaan khilaaf kale oo hareeya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa uu mar kale ku celiyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde hadal uu horay u sheegay oo ahaa in uu xilka Ra’iisal Wasaarenimada ka degayo haddii sidaas ay ku jirto maslaxada Soomaaliya, waa sida uu Ra’iisal Wasaaraha hadalka u dhigaye.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu walaac ka muujiyay amni darrada iyo kooxaha burcad badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay Caalamka ka codsanayaan in lagu gacan siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay u hanan lahayd ammaanka dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay noqoneysaa Xukuumaddii lixaad ee loo soo dhisay Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo dhisay Dalka Kenya sanadkii 2004, iyadoo lixdaas Xukuumadood uu seddex ka mid ah soo dhisay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Porf. Cali Maxamed Geeddi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia