Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Kenya isagoo hub wata

Talaado, October 28, 2008 (HOL): Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magaaabo Cabdi Axmed Faarax ayaa laga qabtay garoonka Diyaaradaha Kenya kadib markii lagu helay Bastoolad uu watay.

Xildhibaan Cawad Axmed Xasharo oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u xaqiijiyay xariga Xildhibaankan, wuxuuna sheegay in uu maalintii labaad xabsi ku jiro Xildhibaankaas.

Xildhibaan Xasharo ayaa sheegay in arrinta Xildhibaanka ay ku howlan tahay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, wuxuuna rajeeyay in la soo deyn doono ugu dambeynta bacdamaa sida uu yiri uu Xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Dowladda Federaalka iyo Dowladda Kenya.

Waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo isagoo hub wata ay qabtaan Ciidamada Ilaalada Garoonka Diyaaradaha Kenya, isla markaana xabsiga la dhigo, waxayna taasi sharaf tireysaa qiimaha uu leeyahay qofka Xildhibaan Dowladeed ah.

Ugu dambeyntiina, Xariga Xildhibaankan hubka lagu helay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda sare ee Dowladda Federaalka ay ku wada sugan yihiin Magaalada Nairobi, halkaasi oo ay uga socdaan wada hadallo seddex maalmood socon doona oo ay la leeyihiin Madax ka socota Urur Goboleedka IGAD.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia