Talaado, October 28, 2008 (HOL): 11 ruux yaaa geeriyootay, 18 ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii gaari ay saarnaayeen oo ku sii jeeday Gobollada dhexe uu kula rogmaday Deegaanka Xaanshooley ee duleedka Jowhar.
Dadka geeriyooday oo isugu jiray Caruur, Haween, Dhalinyaro iyo dad waayeello ah ayaa waxay shalay gelinkii dambe ka amba baxeen deegaanka Ceelsha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna ku sii jeedeen Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Sida ay ku warameen dad ka badbaaday shilkaas gaari, dadka dhintay ayaa waxay hoosta u galeen Jawaano ay Galley ku jirtay oo tiradooda gaareysay 150 Jawaan, iyadoo ay u badnaayeen dadkaas kuwo dusha gaariga ku hardayay oo uun ka war helay gaariga oo sii rogmanaya.
Dadkii ku dhaawacmay shilkaas oo 18 ruux ah ayaa waxaa la gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Jowhar, halkaasi oo haatan looga daweynayo dhaawacyadii soo gaaray, waxayna gurmad ka heleen dad ka tegay Degmada Jowhar.
Shilkan ayaa wuxuu ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Deegaannada hoos-yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana sababta shilkaas keentay lagu sheegay iyadoo gaariga uu socday xili habeen ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ay tahay mid burbursan oo aan wax dayactir ah helin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia