IGAD oo sheegtay in aysan jirin Dowlad lagu dhisayo Shirka looga yeeray Dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabirka Farta


Axad, October 19, 2008(HOL): Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Maxamed Macallin ayaa ka warbixiyay shirka loogu yeeray Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirkaas uu yahay mid looga hadlayo Xaaladda Dalka Soomaaliya.

Marxbuun Maxamed Macallin oo Warfidiyeenno kula hadlayay Magaalada Nairobi  ee Dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay in 28-ka iyo 29-ka bishan uu Nairobi ka dhacayo Shir dhexmari doona Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya  iyo Dowladda Federaalka iyo Madaxda Ururka IGAD.

“28-ka bishan waxaa Nairobi ku shiri doona Madaxda iyo Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD, 29-ka bishan-na waxaa shir yeelan doona Madaxda IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Xubnaheeda oo dhan, wuxuuna shirkaas yahay mid looga hadlayo Xaaladda Dalka Soomaaliya”ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Maxamed Macallin oo sheegay in aaney waxba ka jirin in shirkaas lagu bedelayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, “ilaa iyo hadda aniga ma hayo warka ku saabsan in Shirkan lagu dhisayo Dowlad lagu bedelayo Dowladda Federaalka Soomaaliya”ayuuna hadalkiisa ku sii daray Xoghayaha guud ee IGAD.

Xoghayaha guud ee IGAD oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in  shirka loo qabanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dhashay fikrado ay is-weydaarsadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo dabayaaqadii bishii hore ku kulmay Magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay Xoghayaha guud ee IGAD in shirkan uu yahay mid lagu xoojinayo wada hadallada Jibouti uga socda dhinacyada Soomaalida, wuxuuna caddeeyay in IGAD ay si weyn ugu mahadcelinayaan Dowladda Jibouti iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo uu sheegay in ay dadaal weyn u galeen sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen Dhinacyada Soomaaliya isku haya.

Hadalka uu sii daayay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Maxamed Macallin ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadyadii aynu ka soo gudubnay ay soo kordhayeen warar ku saabsan in IGAD ay Kenya ku qabaneyso Shir lagu bedelayo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo waqtiga jiritaankeeda uu ka harsan yahay wax sanad ka yar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia