Axad, October 19, 2008(HOL): Waxaa Goor sii horeysay ku soo xirtay Dekadda Magaalada Boosaaso Markabkii Waa’il, kaasi oo dhawaan Ciidamada Puntland ay Xoog kaga soo furteen Kooxo Burcad Badeed ah.
Markabkan oo ay dushiisa ka muuqatay Rasaastii dhexmartay Burcadda iyo Ciidamada Puntland ayaa waxaa galbinayay labo Doomood oo Nooca Qoryaha lagu rakibo ah oo ay leeyihiin Ciidamada Badda ee Puntland.
Mas’uuliyiin sar sare oo maamulka Puntland ah iyo Milkiilayaasha Markabkaasi ayaa u tegay Dekadda sidii ay kormeer ugu samayn lahaayeen Hantidii Markabkaasi Saarnayd oo Shamiito u badnayd.
Wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Kuluumaysiga Puntland oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in la soo badbaadiyay dhamaan Rarkii uu waday Markabkan.
Ganacsatada Markabkan iska leh ayaa Maamulka Puntland uga mahad-celiyay dadaalka uu u bixiyay sii deyntiisa, waxaa arintani ay qeyb ka tahay dadaallada uu Maamulku ugu jiro la-dagaalanka Burcad Badeeda.
Ugu dambeyntiina, Maamulka Puntland oo xoog ku soo furtay Markabkan todobaad ka hore ayaa iminka rajo ka muujiyay xaalufinta Burcadda ka jirta Xeebaha Puntland.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia