![]() |
| Wasiirkii Dekedaha iyo Kalluumeysiga Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur |
Wasiirka ayaa is-casilaaddiisa ku dhaawaqay isagoo ku sugan Tuulada Don Goronyo ee Gobolka Nugaal, waxaana uu warbaahinta u sheegay in uu doonayo in uu ka mid noqdo Musharaxiinta ka qaybgalaysa Doorashada Puntland.
Axmed Siciid Aw Nuur ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay u taalo sidii uu ula dagaallami lahaa Burcad Badeed, balse isaga uu garab taaganyahay isla markaana uu Caawinayo.
"Waxaan doonayaa in aan ka qeybgalo Doorashada Puntland, waana taas arinta igu dhalisay in aan baneeyo Booskii aan u hayay Maamulka Puntland " Sidaasi Waxaa yiri Axmed Siciid Awnuur, Wasiirkii hore ee Dekedaha iyo Kalluumeysiga Puntland.
Axmed Siciid Aw-nuur ayaa Su’aalihii la weydiiyay waxaa ka mid ahaa in casiladdaasi ay ka dambeysay Cadaadis soo food saaray, waxaana uu arintaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Is-casilaadda Wasiirkii Dekadaha iyo Kalluumeysiga DGPL ayaa ku soo beegmaysa Xilii Burcad badeeda sida Tusbax afka lagu furay ay ugu soo badanayaan xeebaha Puntland.
Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo Wasiir ka tirsan Puntland xilka iska casilo ayaa hadana is-casilaada Wasiirka waxey Puntland ku noqonaysaa Boos ka banaanaaday.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
