Jimco, October 17, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka xaaladdeeda waxay tahay mid degan kadib dagaallo xooggan oo shalay oo dhan ka dhacayay.
Waxaa degan xaaladda goobo ay shalay dagaallo ka dhaceen oo ka tirsan Degmooyinka Hodaniyo Wardhiigley, kuwaasi oo kala ah Isgoyska KM4, Xaruntii Saraakiisha Shiirkole, Xeradii Guul-wadayaasha, Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhiga iyo Isgoyska Cali Kamiin.
Dagaalladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa geystay dhimashada dad 20 ruux gaaraya iyo dhaawaca dad kale oo intaas ka badan, kuwaasi oo u badnaa dad rayid ah oo ay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga ay ugu tageen madaafiicdii la isugu adeegsanayay dagaalladii dhacay.
Dadka ugu badan ee dagaalkii shalay ku dhintay ayaa waxay ku sugnaayeen gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha, waxaana iyagoo aan wax war ah u heynin ku habsaday madaafiic dagaalladaas la isugu adeegsaday.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid uu xaalkeeda sii xumaanayo, waxaana marba marka ka sii dambeysa soo xoogeysanaya dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeye ee gacanta siinaya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana xusid mudan in mar kasta uu khasaaraha dagaalladaas ku dhaco dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia