Kooxo Burcad Badeed ah oo af-duubtay Markab ku sii jeeday Dekedda Boosaaso oo Ganacsato Soomaaliyeed u rarnaa iyo Maamulka Puntland oo arrintaas shir ka yeeshay

Cabirka Farta

Jimco, October 10, 2008(HOL): Markabkan oo siday Shimiitada Guryaha lagu dhiso ayaa u rarnaa Shirkad Ganacsi oo lagu magacaabo Barwaaqo taasi oo fadhigeedu yahay Magaalada Boosaaso , waxaan arintaasi Cambaareeyay Milkiilayaasha Shirkada Barwaqo.
 
Kooxaha Burcad Badeedka ah ee afduubka u gaystay Markabkan ayaa la sheegay in ay la aadeen meelo ka baxsan xeebaha Gobolka Bari, iyadoo markii hore ay afduubteen xilli uu marayay Xeebaha Gacanka Cadmeed.
 
Waxaa Maanta arintaasi fadhi balaaran ka yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumada Puntland ,iyadoo kulan ay isugu yimaadeen ay ka qayb galeen 12 Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Puntland.
 
Wasiiru-Dawlaha  Madaxtooyada iyoXirirka Caalamiga ah ee Puntland Cali Cabdi Awaare oo kulankaasi ka qayb galay ayaa sheegay in ay muhiim tahay tallaabo arintaasi laga qaado si loo dhameeyo af-duubka burcad badeedka.
 
Maamulka Sare ee Shirkadda Barwaaqo ayaa sheegay in arintani ay colaad ka dhax abuurayso Shacabka Puntland , isla markaana ay garanayaan cidda af-duubka u geysatay Markabkooda.
 
Lama oga tallaabada uu maamulku la tiigasan doono Kooxaha Burcad Badeedka ah ee af-duubka u haysta Markabkaasi, iyadoo arintanina ay cabsi ballaaran ku abuurtay Maraakiib Badeecadaha keeni jirtay Dekadda Magaalada Boosaaso.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia