Jimco, October 10, 2008(HOL): Fadhi aan caadi aheyn oo ku yeesheen Magaalada Beledweyne Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo ka kooban 63 Xunood ayaa looga wada hadlay dilkii 7-Bishan loo geystay Guddoomiyihii Golaha Odayaasha dhaqanka Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow.
Fadhiga oo uu shir guddoomiyay Nabadoon Axmed Xasan Barrow oo Ku-xigeen u ahaa Alle ha u naxariistee Gudoomiyihii geeriyooday ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo dhowr ah oo dhaamaantood saaameyn ku lahaa dilka Nabadoonka iyo waliba sida ugu suurtagalsan ee loo sii wadi karo howlihii golaha.
Nabaddoon Axmed Xasan Barrow ayaa sheegay in Golaha Odayaasha Dhaqanku si weyn uga xumaadeen markii ay maqleen warka ku saabsan in la dilay Guddoomiyihii Golaha Odayaasha, laakiin waxaa uu sheegay in mar walba geeridu tahay mid xaq ah.
"Runta marka laga hadlo annaga aad ah ayaan u soo dhaweynay Midowgga Maxkamadaha markii ay Gobalka la wareegeen Siyaasad ahaana weynu taageernay, laakiin arinta dhacday Xaqiiqdii shaki ayay abuuri kartaa, waayo wax sahlan ma ahan in Shaqsi Dacar oo kale ah in lagu dhex dilo bartamaha Magaalada isla markaana dadkii dilay baxsadaan” ayuu yiri Nabadoon Axmed Barrow oo dhinaca kale ka codsaday Mas'uuliyiinta Midowgga Maxkamadaha in ay keenaan war cad oo ku saabsan dilkii loo geystay Alle ha naxariistee Nabaddoo Dacar Xirsi Xooshow.
Sidoo kale kulanka ayaa la sheegay in howlaha mar walba Goluhu ku socon doono himilooyinkii uu hiigsanayay Nabadoon Dacar oo ahaa sida hadalka loo dhigay kuwo ku dhisan badbaadada umadda ku dhaqan Gobalka Hiiraan, waxaana uu mar kale laga soo saaray fadhiga baaq loo jeedinayo Hay'addaha Samafalka oo ah in ay sii wadaan howlihii ay u hayeen Bulshada si loo samatabixiyo shacabka u ooman gar gaarka kuwaas oo ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo kulan ay yeesheen kaga wada hadlay dilkii Guddoomiyahoodii Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow
Cabirka Farta
More News
- Kooxo Burcad Badeed ah oo af-duubtay Markab ku sii jeeday Dekedda Boosaaso oo Ganacsato Soomaaliyeed u rarnaa iyo Maamulka Puntland oo arrintaas shir ka yeeshay
- Diyaaraddii labaad oo Dad la soo tarxiilay wadday oo ka degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- NATO oo Maraakiib Dagaal u soo direysa Xeebaha Soomaaliya
- Waa Sidee Xaaladda degmada Moqokore ee Gobalka Hiiraan kadib dagaal shalay ku dhaxmaray Ciidamada Maxkamadaha iyo Maleeshiyo Beeleed?