7 Caruur ah oo ku geeriyootay Madfac kula dhacay Xaafadda Juungal ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, November 22, 2008(HOL): 7 Caruur ah ayaa geeriyootay 9 ruux oo kale oo caruur u badnaana dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii uu ku dul habsaday madfac habow ah xili ay dagaallo ka socdeen xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Caruurta geeriyootay ayaa waxay Kubad ku ciyaarayeen Xaafadda Juungal ee Degmada Yaaqshiid, waxayna isugu jireen kuwo deegaankaas horay u deganaa iyo kuwo maalin-joog ahaan ah ugu tegay shalay oo Jimco ahayd.

Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku nool xaafadda ay dhibaatadaas  ka dhacday ayaa si weyn uga xumaaday dhibaatada ku dhacay caruurtaas, waxayna sheegeen in ay tahay markii ugu horeysay oo ay goob-joog u noqdaan geerida 7 caruur ah oo meel ku wada ciyaarayay.

Xiliga uu madfacaas ku soo dhacayay caruurta ayaa waxaa socday dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, wuxuuna dagaalkaas ka dhacyay Nawaaxiga Warshaddii Baastada, Xeyla Bariise iyo qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha.

Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa mar kasta waxay geystaan khasaare soo gaara dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tagaan madaafiic ay dhinacyada dagaallamaya isugu ridayaan si aan loo meel dayin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia