Dowladda Kenya oo walaac ka muujisay Burcad Badeedka Soomaalida

Cabirka Farta

Sabti, November 22, 2008(HOL): Dowladda Kenya ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka in wax laga qabato dhibaatada ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ku hayaan Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo haatan heysta maraakiib badan oo ay ku jiraan kuwo Saliid iyo Hub wada.

Dowladda Kenya waxay  sheegtay in ay qabaneyso shir caalami ah oo looga hadlayo sida loola dagaallami karo kooxaha burcad badeedka ah, iyadoo sidoo kalena shirkaas uu noqon doono mid Soomaaliya loogu gurmanayo kadib 17 sano oo uu dagaallo sokeeye ku soo jiray.

Laakin Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watengula ayaa hadana sheegaya in Beesha Caalamka aysan soo af-jari karin Kooxaha Burcad Badeedka iyadoo buu yiri aan wax laga qaban dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliyda, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in Burcad Badeedka ay abuurmeen kadib markii la waayeen Dowlad awood leh oo Soomaaliya ka jirta wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Kooxaha Burcad Badeedka Soomaalida ayaa waxay kala jareen marinkii isku xirayay Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Badda Mediterranean-ka, waxayna taas keentay in beesha Caalamka walaac ka muujiso Burcad Badeedka Soomaalida oo heysta doomo dheereeya, hub casri ah iyo qalab kale oo ay ka mid yihiin taleefoonnada Sattelite-ka iyo qalabka wax lagu hago ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa Maraakiibta.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii ay Kooxaha Burcad Badeedka qafaasheen Markab Saliid Ceyriin oo aad u badan  wada, kaasi oo ay leedahay shirkad Sacuudi ah, waxayna haatan dalbanayaan lacag madax furasho ah oo gaareysa 25 Milyan Doollar, si ay Markabkaas u sii daayaan.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay 30 Milyan oo Doollar lacag madax furasho ahaan u soo gashay Kooxaha Burcad Badeedka Soomaaliya, inkastoo Dowladda Kenya ay sheegeyso in lacagta ay heleen Burcad Badeedka ay intaas ka badan tahay. Waxaa jira walaac ku saabsan in lacagtaas ay helaan Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Xeebaha Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Maraakiib dagaal iyo ciidamo la socda ayaa waxaa ka dhaca af-duubyo joogto ah oo loo geysto Maraakiibta isaga kala goosha Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia