Jimco, May 23, 2008(HOL): Waxaa 2-dii Duhurnimo ee maanta la sii daayay Markabkii u rarnaa ganacsatada Soomaaliyeed ee beryahan af-duubka lagu heystay.
Maxamed Axmed Rooble (Shiikh Saney) oo ah Wakiilka Markabkan ayaa sheegay in Markabka oo lagu heystay Xeebaha Gobolka Mudug, haatan la sii daayay, isla markaana uu ku wajahan yahay dhinaca Dekedda Muqdisho.
Shiikh Saney waxaa uu sheegay in Markabka MV. Victoria oo ay ku raran tahay Sokor tankeedu dhan yahay 4,200 lagu sii daayay wada hadal dhexmaray Ganacsatada uu markabka u raran yahay iyo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee markabka qafaashay.
Markabkan oo ka diiwaangashan Dalka Jordana yaa wuxuu 6-dii bishan ka soo shiraacday Dekedda Mombay ee Dalka India, iyadoo halkaasina uu ka soo qaaday Sokor ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.
Waxaa jira warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in ganacsatada uu Markabkan u raran yahay ay Kooxaha Burcad Badeedka siiyeen lacag madax furasho ah, inkastoo ay ganacsatada ka gaabsanayaan in ay ku dhawaaqaan in ay lacagtaas bixiyeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia