Jimco, May 23, 2008(HOL): Dagaalkan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa wuxuu u dhaxeeyaa ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay saaka ku dhawaadeen Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo horay looga qaaday, kadibna ay weerar kala hortageen kooxo hubeysan.
Dagaalka ayaa markii uu cabaar socday waxaa bilowday madaafiic hoobiyayaal u badan, kuwaasi oo ka soo dhacayay dhinaca Ciidamada Dowladda, una dhacayay dhinaca Suuqa Bakaaraha, waxaana lagu soo waramayaa in ay dhowr madfac oo hoobiyayaal ah ku dhaceen dhismooyin u dhow Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha.
Weli lama oga khasaaraha ay madaafiicdaas geysteen sabab la xiriirta iyadoo Suuqa Bakaaraha aysan maanta dad badan ku sugneyn, isla markaana ay tahay Maalin Jimco ah, waxaase la soo sheegayaa in ay jiraan dad rayid ah oo guryo deegaan ah ku leh Suuqa Bakaaraha oo ay madaafiicda waxyeello u geysatay.
Xaaladda Isgoyska Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo dhawaanahan ay gacanta ku hayeen Ciidamo ka amar qaata Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo labis gaar ah leh ayaa haatan waxaa laga cabsi qabaa in ay ku fidaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababta ka dambeysa in ay mar kale soo aadaan Isgoysyadaas.
Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay dhinaca Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ayaa lagu soo waramayaa in ay isku fidiyeen qeybo ka mid ah Wadada 30-ka oo dhanka Waqooyi kaga toosan Suuqa Bakaaraha, iyadoo Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde-na ay dhanka Koofureed kaga beegan yihiin Suuqaas.
Si kastab arrintu ha ahaatee, dagaalka ka socda Xaafadaha ka kala tirsan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadaha Shanta Geed iyo Caga-dhiig ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay weerar culus lagu qaaday fariisin ay ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin Xeradii Asluubta, sidoo kalena shalay subaxnimadii Qarax miino lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Hotelka Ambassador iyo Saldhigga Degmada Waaberi ee Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo qaraxaasna uu ciidamada Itoobiyaanka khasaare ka soo gaaray.
Wixii Dagaalkan ku soo kordha kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia