Xiisad ka dhalatay Rag hubeysan oo ay dileen Ciidamada Amaanka Puntland oo qalqal gelisay Ammaanka Magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Jimco, May 02, 2008(HOL): Xiisad ka dhalatay Rag Maleeshiyo ahaa oo shalay lagu dilay gudaha Magaalada Boosaaso ayaa waxay qalqal gelisay ammaanka Magaaladaas, iyadoo ay dad ka careysan dilka raggaas ay jid-gooyooyin ka sameeyeen gudaha Boosaaso.

Xiisaddan oo ka dhalatay Rag Maleeshiyo ahaa oo ay shalay toogteen Ciidamada Ammaanka Puntland , gaar ahaan kuwo la socday Wasiirka Amniga Puntland Jen. C/llaahi Siciid Samatar ayaa waxaa haatan xalinteeda ku howlan Odayaal iyo Waxgarad Reer Boosaaso ah iyo weliba Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, iyadoo la sheegayo in wada hadallada labada dhinac u dhaxeeya ay meel wanaagsan marayaan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in rajo wanaagsan laga qabo sidii xiisaddaas loo soo af-jari lahaa, isla markaana dib loogu furi lahaa qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Boosaaso oo ay xirteen Dad ka careysan dilkii kooxahaas hubeysan loo geystay, kuwaasi oo la sheegay in uu la socday Nin falal burcadnimo ah horay uga  geystay Magaalada Boosaaso, isla markaana  ka soo baxsaday Xabsiga Magaaladaas.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xiisad ka dhalatay howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka Puntland ay cirka isku shareerto, isla markaana ay gaarto heer ay dad ka soo horjeeda tallaabooyinka ay Ciidamada qaadeen ay jid-gooyooyin iyo qalalaase abuuraan, inkastoo xiisadahaas mar kasta lagu xalin jiray qaab nabad-doonnimo ah, iyadoo loo marayo Odayaasha iyo Waxgaradka ay Dadkaas isku heybta yihiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaanahan ayaa waxaa sii xumaanayay ammaanka Magaalada Boosaaso oo ah magaalada laf-dhabarka u ah ganacsiga Deegaannada Puntland, waxaana la xusuusan yahay in ay magaalada ka dhaceen af-duubyo qaarkood loo geystay Dad Ajnabi ah iyo weliba qaraxyo uu ugu darnaa mid ka dhacay nawaaxiga Dekedda Boosaaso, kaasi oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen Dad badan oo Itoobiyaan ahaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia