Jimco, May 02, 2008(HOL): Dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ee haatan ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay ka codsadeen Beesha Caalamka in ay ka shaqeyso jawi ay dib ugu noqon karaan guryahooda.
Dadkani oo u badan Haween, Caruur, iyo Dad Waayeello ah ayaa waxay sheegeen in aysan waxba u tareynin in meelaha ay u barakaceen lagu siiyo Raashin yar oo aan ku filneyn noloshooda, waxyana taasi bedelkeeda codsanayaan in loo saamaxo in ay guryahooda dib ugu noqdaan.
Xaawo Maxamed Aadan oo ka mid ah Dadkaas ayaa sheegtay in ay dhibaato ku qabaan meelaha ay u barakaceen, waxayna xustay in kuleylka qoraxda iyo qabowga habeenkii oo ay isaga dulqaataan ay hadana caruurta uga xanuunsadeen meesha ay u barakaceen oo ah Deegaanka Ceelasha Biyaha, sidoo kalena ay u sii dheer yihiin bahalo dhulka ku jira oo inta badan ay arkaan habeenkii.
Dadkani ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxay halkaas ku nool yihiin muddo sanad ka badan, iyadoo xaafadihii ay deganaayeenna ay noqdeen aagag dagaal oo ay mar kasta ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Hay’ado samafal ah oo isugu jira kuwo Caalami ah iyo kuwo Wadani ah ayaa waxay Dadkaasi siiyaan raashin mucaawino ah, iyadoo sidoo kalena ay qaar ka mid ah Hay’adahaas Musqulo u dhiseen Dadka barakacay, sidoo kalena ay biyo dhaamin u sameeyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa hubanti ah in Dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku nool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ay u baahan yihiin inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, isla markaana ay ku noolaadaan, walow ay jiraan dad aan lahayn meel ay u soo noqdaan sabab la xiriirta iyadoo ay guryahoodii madaafiic dhulka la simeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia