Isniin, May 12, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay dhowr gaari oo Ural-lo ah ayaa maanta lagu weeraray inta u dhaxeysa deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Bay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ural saaran
Ciidamadan oo weerarka lagu qaaday loo adeegsaday Baasuukayaal iyo waxyaabo kale oo qarxa ayaa lagu soo waramayaa in uu soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray gaadiidkii ay wateen.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamadan oo ahaa kuwo ka yimid dhinaca Magaalada Baydhabo, isla markaana ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ay dhexda uga soo baxeen kooxo hubeysan oo khasaare kala duwan u geystay.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley ayaa sheegay in weerarkaasi ka dambeeyeen Ciidamadooda, isla markaana ay gubeen 3 Ural iyo Ciidankii saarnaa, wuxuuna caddeeyay in ay halkaas ku baabi’iyeen Ciidamadii Itoobiyaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii meel aan u dheereyn meesha maanta lagu weeraray Ciidamada Itoobiyaanka qarax lagula beegsaday Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah, isla markaana halkaas Askar looga dilay, iyadoo kadibna ay Ciidamada Itoobiyaanka dileen lix qofood oo rayid ah, kuwaasi oo iyagoo aan war heynin ka soo dul-dhacay Ciidamada Itoobiyaanka ee la weeraray.
Sidoo kalena, dorraad ayay ahayd markii inta u dhaxeysa Degmada Wanla-weyn iyo Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu weeraray Gaadiid ay leeyihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo iyagoo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo ay weerar ku soo qaadeen Xoogag daacad u ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kadibna ay qaateen labo ka mid ah seddex gaari oo ay wateen ilaalada Wasiirradaas, kuwaasi oo afar ka mid ah lagu dilay goobtii lagu weeraray. Wasiirrada Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha xiligaas lama socon gaadiidkooda la weeraray.
Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa haatan waxay u muuqataa mid ay ku soo xoogeysanayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ka dhacay weerarro loo geystay gaadiid ay la socdaan Ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia