Isniin, May 12, 2008(HOL): Xaflad lagu furayay Wada hadallada ay Magaalada Djibouti ku yeelanayaan Ergooyinka ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa goor dhow ka furantay Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti.
Xafladdan oo ay ka qeybgelayaan Diblumaasiyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Dalalka daneeyo Arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa ujeedkeedu yahay in looga dhawaaqo in ay furmeen wada hadalladii xalka loogu raadinayay mushkiladda Soomaaliya ee ay isku so horfariisanayeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ee ka soo horjeeda.
Waxaa lagu soo waramayaa in xafladdan uu furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jibouti Maxamuud Cali Yuusuf, kaasi oo uu Dalkiisa martigelinayo Wada hadallada ay isku soo hor-fariisanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Haddiiba dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay isla ogolaadaan in ay si toos ah isu soo hor-fariistaan ayaa waxaa waxyaabaha ajende ahaan u hor-yaala ee ay ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah Arrimaha Ammaanka, Siyaasadda, sidii Ciidamada Itoobiyaanka looga saari lahaa Soomaaliya iyo Xaaladaha Bani’aadannimo ee ka taagan Soomaaliya.
Warkan ku saabsan in galabta magaalada Djibouti lagu qabanayo xaflad lagu furayo Wada hadallo dhexmaraya Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta ay sheegeen in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka, halka mas’uul u hadlay Dowladdana uu sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin wada hadallada.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa waxay ka war dhowrayaan waxa ka soo baxa Wada hadallada ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadineyso ee is-af-garadka looga dhex dhalinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda oo muddo sanad ka badan ku dagaalamaya Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho oo inta badan dadkii deganaa ay uga barakaceen dagaallo ka dhaca.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia