Axad, 8, Jun, 2008 (HOL) Saxaafadda dalka Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid soo martay labo heer oo kala duwan marka laga eego dhinaca Maamulka Dowliga ah, Waqtigii Dowladdii Rayidka aheyd ee uu hogaaminayay Alla ha'unaxariistee Aadan C/dule Cismaan Saxaafadu waxaa ay aheyd mid Xor ah oo u madaxbanaan fulinta howlaheeda warbaahineed, lakiin waxaa ay arimuhu is badaleen waqti yar kadib markii awoodii dalka iyo Nidaamkii Dowliga intaba ay la wareegtay Xukuumadii Malatariga ee uu hogaaminayay Marxuum Max'ed Siyaad Bare oo ay Saxaafadu Noqotay mid Xakameysan oo aan laheyn dhaq-dhaqaaq madaxbanaan sida tii ka horeysay ee Dowladdii Rayidka.
Balse hadana Xiligaa Suxufiyiintii ku howlgalayay maraxladahaa kala duwan waxaa ay ahaayeen kuwo heysta Xuquuqu ku saleysan howlaha ay ku shaqeynayaan mana jirin cid ku dheeran karta in ay ku xadgudubto xuquuqdooda shaqsi iyo tooda shaqo intaba, hase ahaateen maxaa intaa oo dhan ka danbeeyay "" Laga soo bilaabo 1991 oo ay bur burtay Xukuumadii Malatariga aheyd iyo ilaa maata aynu joogno Warbaahitu waa mid sii wadata howlaheedii shaqo, waliba waxaa soo baxay marka dhinac kale laga eego Suxufiyiin fir fircoon, dhalinyar, kuna dhiiray howlaha ay hayaan xiliga adag ee uu dalku ku jiro.
Waxaa soo baxay Wargeysyo madaxbaan, Idaacado, Wakaalado warar, iyo Teleefishino, dhamatood dadka u tabinaya Xogag kala duwan oo ku saleysan xaaladaha ka jira gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana intoodaba u shaqeeya Suxufiyiin wararka ka soo uruuriya goobo halis ah oo mar marka qaar Naftooda qatar galin kara.
Hadana sidaa oo ay tahay Suxufiyiintu waa ay ku adkaayeen howlaha ay bulshada u hayaa, iyaga oo aaminsan in aysan jirin cid si gaar ah u bartilmaameed saneysa waana tan keentay in Wixii ka danbeeyay 1991-kii Warbaahinta iyo Suxufiyiintuba noqdaan kuwo ka badan intii hore.
'Lakiin hada waxaa muuqneysa in Suxufiyiintu noqdaan kuwo ay bartilmaameed sadaan kooxo iyo shaqsiyaad aan la garneyn u jeetada ay lee yihiin lakiin loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha diidan in la sheego Xaqiiqda jirta Cidii ay doonaanba haka tirsanaadeen e' waxaana hada qiimeyn la sameeyay la sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dalka labaad ee dilalka ugu badan loogu geysto Suxufiyiinta.
Ilaa Sanadkii 2007 ayaa la sheegay in lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya kuwa dhawaad 10 Wariye kuwo kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana dilalkaa ugu danbeeya kii xalay Nin dabley ah uu ku fuliyay Alle ha'unexariistee Wariye Nasteex Daahir Faarax oo ahaa Suxufi ka tirsan Wakaalada wararka AP iyo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Dhacdooyinka aan naxariista laheyn ee lagula kacayo Wariyeyaasha ayaa sababatay in qaar badan ay ka caraaraan howlahoodii shaqo, kuwaa oo hada intooda badan magan galyo u jooga Dalalka Kenya iyo Jabuuti, halka kuwa ku sii harsan gudaha dalkana aysan ogeyn waxa ay ka mudan doonaan howlaha ay u hayaan Bulshada, mar hadii ay dhagahoodu ay ku soo dhacayaan warar ka hadlaya Wariye la dilay Islamarkaana aan la ogeyn Sababta iyo Cida dishay intaba.
Ugu danbeytii, dhibaatada soo food saartay Suxufiyiinta Soomaalida iyo dalalka Micno darada ah ee ku dhacaya Isbadal intee la eg ayeey ku keeni karaa howlihii ka socday gudaha dalka gaar ahaan dhinaca warbaahinta oo la og yahay kaalinta ay u hayaan Bulshada u ooman helista warar madaxbanaan xiligan adag ee uu dalku ku jiro.
Sikataba dhamaan bahada HOL waxaa ay lee yihiin Alle ha'unexariisto Wariye Nasteex Daahir Faarax iyo Suxufiyiinta ka horeeyay, waxaana xusid mudan in kooxaha iyagu bartilmaameed sanaya Wariyeyaasha ogaadaan in Wariyuhu yahay Marqaadiga dhacadooyinka oo kaliya, lakiin uusan laheyn danbi loo ugaarsado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dilalka loo geysto Suxufiyiinta Is-badal intee la eg ayeey ku keeni karaa howlaha warbaahineed ee ka socda Gudaha Dalka?
Cabirka Farta
More News
- Qaramada Midoobay oo sheegtay in Wada Hadalladii Jibouti uga socday dhinacyada Soomaalida ay horumar sameyn waayeen
- Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay laba nin oo Ajaanib ah oo Ciidamada Somaliland ka qabteen Laasqoray
- Madaxweynaha oo fuliyey go’aan laga wel wel qabay inuu hirgalo
- Wararkii ugu dambeeyay Dagaal maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Madfac ku dhacay firdhisada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo sababay in ay shaqeyn waayaan Taleefoonnada gacanta ee shirkaddaas
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo cambaareeyay Duqeyn ay maanta Ciidamada Itoobiya u geysteen Suuqa Bakaaraha
- Horyaalka Kubadda Gacanta Somalia oo la soo gebagebeeyay
- Wariye Nasteex Daahir Faarax oo saaka lagu aasay Magaalada Kismaayo
- Dagaal xooggan oo saaka Muqdisho ka socda iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sii durgaya Suuqa Bakaaraha